Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii degmada Leego ee Shabeellaha Hoose oo la dilay


Xassan Gudcur oo ahaa guddoomiyihii degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo ugu yaraan laba qof oo kale ayaa lagu dilay qarax miino oo loo dhigay iridda hore ee gurigiisa sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka deegaankaas.

Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ayaa sidoo kale sheegaya in laba ka mid ah ilaaladii guddoomiye Gudcur ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Hay'adaha ammaanka degmada Wanlaweyn ayaa baaritaan ku haya falkan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid illaa hada loo qabtay dhacdadan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gobolada koofurta Soomaaliya ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee nuucan ah, iyadoo maalmo isku xiga la dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud (Dhacow), Dr. Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Ja-Jab iyo Dr. Xasan Cusmaan Ciise oo ku magac dheeraa Dr. Buurane oo ahaa dhaqtar caan ahaa oo ku takhasusay cudurada maqaarka.

XS
SM
MD
LG