Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF oo Guddi u Saartay Baarista Qalalaasihii Garoonka Muqdisho


Mogadishu Airport
Mogadishu Airport

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay qalalaase Khamiistii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ayaa lagu sheegay in guddigan oo “baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeya dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magacyada guddiga uu wasiirku magacaabay ayaa kala ah:

  1. Axmed Macallin Xasan oo ah guddoomiyaha guddigan
  2. Cabdi Aadan Xuseen
  3. G/le Dhexe Ciise Maxamed Ciise
  4. Dhamme Maxamed Cali Maxamed

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa 22 kii bishan ka dhacay gacan ka hadal u dheexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.

Isku dhacaan oo aan xabad la isku adeegsan ayaa wuxuu mudda kooban hakiyay shaqadii waaxda socdaalka ee garoonka, iyadoo muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada uu muujinayay burburka muraayado qeybta ay ka soo degaan diyaaradaha caalamiga ah ee garoonka.

XS
SM
MD
LG