Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo ay ka bilaabatay dhageysiga dacwadda dilkii Cabdixakiim Dhagajuun


Cabdixakiim Dhagajuun
Cabdixakiim Dhagajuun

Maxkamadda ciidamada ayaa saaka billowday dhageysiga dacwadda rag ku eedeysan dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee magaaladda Muqdisho Cabdixakiim Dhagajuun oo bishii Jannaayo xilli habeen ah lagu dilay degmada Howlwadaag.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho, ehellada marxuum Cabdixakiim Dhagajuun ayaa soo xaadiray dhageysiga maxkamadda subixii hore ee saaka, waxayna sheegeen inay rajeynayaa in kiiskan uu caddaalad ku soo idlaado.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle

Dhagaysiga dacwadda dilkii Gudoomiyihii Hodan
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:20 0:00

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ciidan ka tirsanaa booliska ay masuul ka ahaayeen dilka guddoomiyihii degmada Hodan.

Ciidanka u eedeysan kiiskan oo gaaraya ilaa sagaal askari waxaa ka mid ah taliyihii saldhigga booliska degmada Howlwadaag Shuceyb Cabdulqaadir.

XS
SM
MD
LG