Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale soo saarey qoraal ay ku muujinayaan sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada is-horfadhiga siyaasdeed iyo heshiis la'aanta u dhexeysa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan doorashada dalka.
Waa markii labaad ee todobaadkan gudihiisa ay Golaha Amaanku qoraal ka soo saaraan xaalada cakiran ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ergey gaar ah u magacaabey Geeska Africa.
Warbixin arrimahan ku saabsan waxaa inoo diyaarisey Falastiin Axmed Iiman.