Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo go'aano kasoo saartay xaaladda doorashada dalka


Maamul Gobolbeedka Puntland ayaa ku celiyay inaysan aqbali doonin hannan doorasho oo baal marsan heshiikii 17-kii September, waxaana bayaan saaka ka soo baxay Madaxtooyada Garoowe lagu sheegay inay ilaalinayaan geeddi socodka dowlddanimada Soomaaliye ee ku dhisan Federalka iyo dimoqraadiyadda.

Bayaankan ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay muddo kordhintii golaha shacabka, waxaana war-murtiyeedkan lagu xusay in muddo xileedkii golaha shacabka uu ku ekaa 26-kii December 2020.

"Dowladda Puntland waxay caddeyneysaa in heshiiskii 17-kii September uu yahay hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federalka, iyadoo la xallinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ku dhacda" ayaa lagu yiri Bayaanka Puntland.

"Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September 2020, saamileyda siyaasadda iyo wakiillada beesha caalamka ee daneeya horumarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha badan, si loo soo afjaro xaaladda hubanti la'aanta dowladeed, loogana hortago khal-khal amni iyo bur-bur dowladeed" ayuu bayaankan sii raaciyay.

Puntland waxay sheegtay in haddii ay dhici weyso in lagu soo noqdo wadahadallada ay qaadi doonto tallaabo ay ku sheegtay inay tahay mid habboon.

XS
SM
MD
LG