MUQDISHO —
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aano ka saaray murankii ka dhashay go’aankii dhawaan golaha shacabka, Soomaaliya ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hey'adaha dowladda.
Golaha Ammaanka ayaa soo jeediyey qodoboa ay ka mid yihiin; In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa.
Haddaba sida warka kasoo baxay Golaha Ammaanka looga arkay Muqdisho, waxaa warbixintan kasoo dirtay Seynab Abuukar.