Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar hoobiye oo khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhaweyd lagu garaacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheer ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhawaw Godka Jilicow, sida uu kusoo warramay weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Warar ay heshay VOA, ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay meel ku darbiga Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa weerarkii labaad ee hoobiyeyaal ah oo wax ka badan un bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya, 9-kii March 2021.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:38 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG