DOHA —
Dawladda Qatar ayaa beenisay inay jiraan lacago ay Soomaaliya usoo mariso Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.
Eedayntaas ayaa ku jirtay waraysi uu VOA siiyey safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.
Qatar ayaa qoraal ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inaysan jirin lacag madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay inay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan.
Warbixin ku saabsan jawaabta Qatar waxaa diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.