Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay dib ugu soo laabtay maagaalada Muqdisho, kaddib socdaal laba maalmood ah oo uu ku tagay waddanka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, halkaas oo ay ku kulmeen madaxweyne Felix Tshisekdi oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Africa.

Madaxtooyada DRC waxay sheegtay in labada madaxweyne ay yeesheen wadahadallo socday muddo laba saacadood ah, waxayna sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday madaxweyne Tshisekedi in isagoo ciyaaraya doorkiisa madaxeynaha Midowga Afrika inuu fududeeyo islamarkaana dusha kala socdo wadaxaajood dhexmara saamilayda Soomaaliya.

Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa is-mariwaagoodu ku saleysanyahay arrimaha doorashada, iyadoo ay fashilmeen shirar dhowr ah oo xal loogu raadinayay qabsoomida doorashada.

Golaha Shacabka ayaa 12-kii bishan April muddo labada sanadood ah ugu kordhiyay hay'adaha dowladda, kaas oo ay ugu yeereen "Jiheynta doorashooyinka dalka", iyadoo Madaxweyne Farmaajo isna uu saxiixay qaraarka Baarlamanka.

Muddo kordhintan waxaan ka soo horjeestay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, midowga musharraxiinta, xisbiyada mucaaradka iyo guddoonka Aqalka Sare, kuwaas oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Beesha Caalamka ayaa iyana ka soo horjeesatay muddo kororsiga dowladda, waxaana dowladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ay sheegeen inay ka fiirsan doonaan wadashaqeynta Soomaaliya kala dhexeysa haddii aysan ka laaban muddo kororsiga.

"Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii anba qaadaan horumarka laga sameeyay dowlad-dhisidda, siyaasadda loo dhanyahay, doorashooyinka, si nabad ah xukun iskugu wareejinta, gaar ahaanna ay maanta gaarsiiyaan isbadalka muhiimka u ah umadda Soomaaliyeed ee doorasho ku dhacda si nabad, xor, caddaalad iyo kalsooni leh" ayaa lagu yiri qoraal sida wada jirka ah todobaadkii hore uga soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD.

Soo noqoshada madaxweyne Farmaajo kaddib, ma cadda tilaabta xigi doonta, iyadoo faah-faahin dheeri aysan madaxtooydu ka bixin wada xaajoodka saamileyda siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo ka codsay Madaxweyne Tshisekedi inuu dusha kala socdo.

XS
SM
MD
LG