Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo geeriyooday


Prof. Gandhi
Prof. Gandhi

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa maanta ku geeroyooday dalka Faransiiska, sida ay idaacadda VOA u xaqiijiyeen ehelladiisa.

Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa dhowaanahaan ku xanuunsanaa dalkaasi Faransiiska, gaar ahaan magaalada Besancon oo ku taalla Bariga Faransiiska.

Professor Gaandi waxa uu ahaa aqoonyahan culuunta dhulka, bulshada iyo dhaqamada bulshooyinka, isagoo laba shahaadada sare ee PhD ku haystay culuuntaasi.

Waxa u mudod dheer ku noolaa dalka Faransiiska.

Professor Gaandi waxa uu haatan ka mid ahaa musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu ka tirsanaa dawladdiisa islamarkaana ay ku wada jireen Golah Midowga Musharrixiinta ayaa ka tacsiyeeyye geerida Professor Gaandi.

Professor waxa uu ka tirsanaa xubnaha baarlamaanka Soomaalia. Waxa uu ahaa 72 sano jir marka uu geeriyooday.

XS
SM
MD
LG