Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Danjire Cusub u Magacaabay Somalia


Joe BideN, madaxweynaha Mareykanka ayaa shalay danjire cusub u magacaabay Soomaaliya, kaasi oo marka la ansixiyo baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018..

Madaxweyne Biden ayaa magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan soo shaqeynayay. André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

André ayaa ka mid ahaa 9 magac oo shalay aqalka cad uu ku dhawaaqay kuwaasi oo badankood safiirro ka noqon doona dalalka qaaradda Africa ku yaalla.

Safiiradda ayaa waxay u baahnaan doonaan anxisinta aqalka senate-ka Maraykanka.

Dhageyso Magacaabista Danjiraha Cusub
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:54 0:00


XS
SM
MD
LG