Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaadashada tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya oo aad u hooseysa


Qaadashada tallaalka ayaa si gaabis ah uga socota Soomaaliya bil kadib markii la keenay dalka tallaalkaasi, sidasi waxaa muujinaya diiwaanka rasmiga ah ee laga sameeyey bixinta tallaalkaasi.

In ka badan saddex meelood meel ka mid ah tallaalka uu isbahaysiga COVAX ugu deeqay Soomaaliya bishii hore ayaa ilaa haatan lagu tallaalay dadweyne iskugu jira shaqaalaha caafimaadka, booliiska, macallimiinta, dadka da’da ah iyo dadweyne caadi ah intaba.

Diiwaanka WHO oo ay aragtay VOA ayaa muujinaya in ilaa haatan la bixiyey 107,583 tallaal oo ka mid ah 300,000 tallaalka Oxford Astrazeneca oo la keenay waddanka 15-kii Maarso. Maalintii ku xigtayna waxaa rasmi ahaan loo bilaabay tallaalkaas.

Tallaalka laga bixiyey gobollada Soomaaliya ayaa aad uga hooseeya saamiga ay heleen maamullada kala duwan.

Tallaalka ugu badan ayaa laga bixiyey Somaliland, waxaana ilaa haatan la tallaalay in ka badan 48,000 oo qof, iyadoo Somaliland ay heshay 65,000 tallaal.

Gobolka Banaadir oo helay 85,000 tallaal waxaa ilaa haatan la bxiyey in ka badan 18,600 tallaal oo keliya. Puntland oo heshay 40,000 tallaal waxay ilaa haatan bixisay in ka badan 14,000 tallaal. Hirshabelle iyo Galmudug oo helay min 25,000 tallaal waxay ilaa haatan bixiyeen 8,600 iyo 8,500 tallaal, sida ay u kala horreeyaan. Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo kala helay min 30,000 waxaa ay kala bixiyeen in ka badan 5,500 iyo 3,300 sida ay u kala horreeyaan.

Diiwaankaasi waxa uu muujinayaa in tallaalka la bixiyey ila ahaatan uu hooseeyo marka loo eego waddamada kale.

Haddaba bixinta tallaalka ee hoosaysa ayaa walaac ku haysa mas’uuliyiinta caafimaadka. Saraakiisha caafimaadka Soomaaliya ayaa qiray inay hoosayso tirada qaadanaysa tallaalka, waxayna qayb ahaan ku sababeeyeen dacaayad laga faafiyey tallaalka. Dhinaca kale maamullada qaarkood ayaa goor dambe billaabay tallaalka, taasi oo iyadana hoos u dhigtay dadka qaadan lahaa tallaalkan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO xafiiskeeda Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik ayaa u sheegay VOA inay muhiim tahay in degdeg heer fiican looga gaaro bixinta tallaalka. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la 70 ilaa 80% dadka loogu taloglay oo uu sheegay inay lagama maarmana u tahay Soomaaliya si loo soo afjaro xanuunka Covid-19.

“Qaadashada tallaalka ee gaabiska ah waxa dhici karta inay saamayn ku yeelato rajadii tallaal dheeraad ah looga heli lahaa COVAX iyo deeq bixiyayaasha,” ayuu yiri Dr Malik.

Ilaa haatan waxaa guud ahaan la xaqiijiyey 12,271 kiis oo ah Covid-19 guud ahaan dalka, kiisaskaasi oo ku dhowaad kala-badh laga diiwaangeliyey magaalada Muqdisho.

Dhimashada guud ee markii ugu dambaysay lasoo weriyey ayaa ah 631, kuwaasi oo 304 ka mid ah laga diiwaangeliyey Muqdisho. Somaliland waxa laga diiwanageliyey 205 dhiamsho ah. Puntland waxa laga diiwanageliyey 51 chimasho ah, Jubaland 34, Galmudug 13, Hirshabelle iyo Koonur Galbeed min 12 kiis oo dhimasho ah.

Shaqaalaha caafimaadku waxay ka digeen in tallaalka tirada yar uu saamayn karo dadka Soomaalida ah ee safraya iyadoo waddamada caalamka ay dhowaanahan shuruud ka dhigayaan in qofka waddamadooda usoo safraya uu haysto shahaado muujinaysa inuu tallaal qaatay.

Dhinaca kalena, dawladda Soomaaliya ayaa Arabacdii maanta sheegtay inay bilowday bixinta tallaalka laga helay dalka Shiinaha. Tallaalkan oo ahaa 200,000 goojo oo ah SINOPHARM ayaa Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in dadkii ugu horreeyey ee lagu bilaabay ay ahaayeen shaqaalaha safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo uu ku jiro safiirka dalkaasi ee Soomaaliya Qin Jian.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay ilaa haatan ansixisay afarta tallaal ee kala ah Pfizer, Moderna, AstraZeneca iyo Johnson and Johnson in loo isticmaalo tallaalka Covid-19.

XS
SM
MD
LG