Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 qof oo shacab ah oo ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay Sh/Dhexe


Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in qarax uu qabsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah, nawaaxiga tuulada Gololey oo waqooyi ka xigta magaalada Balcad.

Baabuurka ayaa la sheegayaa inay la socdeen dad badan oo shacab ah. Qaar ka mid ah dadkaasi oo dhan illaa 15 qof ayaa la sheegay inay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmeen, sida ay ilo degaanka ah u sheegeen idaacadda VOA.

Degaanka Gololey ayaa hadda ka hor ay ka dhaceen qaraxyo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aasay kuwaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga iyo baaburta rayidka ah intaba.

Qaraxyada mas'uuliyadooda waxaa sheegta ururka Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa Beledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

15 qof oo shacab ah oo ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay Sh/Dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:43 0:00


XS
SM
MD
LG