Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo saxiixay qaraarkii baarlamanka ee muddo kororsiga


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga muddo kordhinta hay'adaha dowladda, kaas oo Isniintii baarlamanka Soomaaliya uu muddo laba sano ah u ansixiyay.

Madaxtooyadu faah-faahin dheeraad ah kama bixin saxiixa sharcigan, hase yeeshee war qoraal ah oo ay Isniintii soo saartay ayay ku sheegtay in dowlad goboleedyada qaar ay 'cuuryaamiyeen' heshiiskii 17-kii September ee doorashooyinka.

Sharcigan oo Baarlamanku ugu yeeray "Jiheynta doorashooyinka heer Federal" ayaa waxaa ka soo horjeestay midowga musharaxiinta, mucaaradka, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, iyagoo ku tilmaamay in muddo kororsigaas uu yahay mid sharci darro ah.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka hortimid sharciga muddo kororsiga dowladda, waxayna ugu baaqeen madaxda dowladda Federalka inay ku laabtaan shirka wada hadallada xal u helista doorashooyiska ee Afisyooni.

XS
SM
MD
LG