Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madasha Badbaado Qaran oo diiday muddo kororsiga dowladda


Baarlamanka
Baarlamanka

Isbahaysiga Madasha Badbaadada Qaran ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadday tallaabada uu shalay Aqalka Hoose ee Baarlamaanku waqtiga ugu kordhiyey dawladda iyo baarlamaanka.

War saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in Madashu ay ka wada hadashay go’aankaas oo ay ku tilmaameen mid aan dastuuri ahayn, kadibna ay qaateen go’aamadan:

1- In go’aanka ay gaareen Golaha Shacabka oo ay u kordhisteen muddada xil hayntooda iyo tan dawladda inay tahay mid aan waxba ka jirin.

2- In go’aankaaasi uu halis ku yahay xasiloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

3- In go’aankaasi uu yahay mid lagu xagal daacinayo dadaalladii dhowaanahan la doonayey sidii heshiis looga gaadhi lahaa qabashada doorasho nabad iyo wadar-oggol ah oo dalka ka dhacda, loona fulin lahaa heshiiskii 17-ka September.

4- In Madasha oo la tashanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay tallaabooyinka lagama maamrmaanka ah ka qaadi doonaan muddo korodhsiga aan dastuuriga ahayn, isla markaana qaadi doonaan tallaabooyin xal loogu helayo xilliga kala guurka.

Sidaasi waxay ku qornayd war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Badbaadada Qaran.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya oo ay la xirirtay VOA ayaa sheegay inaysan xilligan bixinayn waraysi ku saabsan go’aanka baarlamaanka. Dhinaca kalese go’aanka Golaha Shacabka waxaa soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay inay dawladdu ka shaqayn doonto sidii loo fulin lahaa go’aankaas.

XS
SM
MD
LG