Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congress-ka: Mudanayaal ku baaqay in dib loo eego xiriirka Soomaaliya iyo cunaqabateyn


United States Capitol Building 7
United States Capitol Building 7

Laba mudane oo ka tisran Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa ku baaqay in dawladda Maraykanku ay dib u eegis ku samayso xiriirka ay la leedahay dawladda federaalka Soomaaliya, ayna tixgeliso in cunqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaan dimqoraadiyada, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta soo baxay.

Xildhibaannada kala ah Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul, oo ah Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Hose ee Congaress-ka Guddigiisa Arirmaha Dibedda ayaa goor dhowayd soo saaray war saxaaafadeedkan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan sharciga muddo laba sano ah u kordhinaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayey ku sheegeen qoraalkooda.

“Ficilkan waxa uu tirtirayaa hannaanka federaalka waxaana uu boqon goynayaa raadintii dimqoraadiyadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayey intaas ku dareen.

Waxay sheegeen in haddii muddo kordhintaasi ay sii socoto in dawladda Maraykanka ay dib u qiimeeyso taageerada iyo xiriirka ay la leeyahay dawlada federaalka Soomaaliya, lana tixgeliyo in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa caqabadda ku ah hannaanka dimoqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay dib usoo noolayso wada-xaajoodka si qalalaasahan loo xalliyo dibna loogu laabto hannaankii doorashada September 17 2020.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay muddo 2 sano ah u kodhiyey dawladda federaalka, taasi oo ay kasoo horjeesteen mucaaradka iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Dhinaca kale, wakiilka sare ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in ficilka baarlamanka uu waxyeeleynayo dadaalka muddada fog socda, ee ay taageeraan Midowga Yurub iyo beesha caalamka, ee Soomaaliya dib loogu dhisayo ayada oo loo marayo ifaham.

“Midowga Yurub waxa uu rumeysan yahay in ansixinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, keeni doonaan dib u dhacyo dheeri ah ayna khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasil’oonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Borrell.

“Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wada-hadallada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan la dib dhigin, kuna saleysan heshiiskii 17-ka September. Haddii tan lagu guul-darreysto, Midowga Yurub waxa uu ka fakari doonaan tallaabooyin adag.”

XS
SM
MD
LG