HARGEYSA —
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhintay xanuunka COVID-19
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay 11-kii maalmood ee ugu horreeyey bishan April la diiwan galiyey dhimashada 64 Qof oo u dhintay cudurka CVID-19, waxaana bulshada loogu baaqay inay guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha Ramadaan.
Warkan waxa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.