Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka tegay Muqdisho


Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaabi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa labaduba ka dhoofay maanta magaalada Muqdishu oo ay ku sugnaayeen muddo bil ah.

Bixitaankooda ayaa ka dambaysay markii ay burbureen dadaalladii loogu jiray in madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawladda federaalku ay ku heshiiyaan doorasho sidii ay wdadanka uga qabssoomi lahayd.

Maalintii shalay ayaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanku waxa uu muddo kordhin u sameeyey dawladda, waxaana uu ku amray Guddiga Dorashada Qaran ee Madaxa bannaan inay muddo aan ka badnayn laba sano ku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.

Go’aankaas waxaa kasoo horjeestay mucaaradka oo ku tilmaamay tallaabo sharcidarro ah. Waxaa sidoo kale diiday Aqalka Sare, oo ku tilmaamay sharci-darro.

Go’aanka Aqalka Hoose ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkasta oo weli uusan saxiixan sharciga, taas oo macnaheedu yahay inaanu dhaqan-gelin.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG