Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida bulshada rayidka ah ee muddo kororsiga hay'adaha dowladda


Kulanka Farmaajo iyo Bulshada Rayidka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u codeeyey in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay’adaha dawladda Federalka ee Soomaaliya, taas oo ay ku sheegeen in mudadaas dalka lagu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Qaraarkan ay baarlamaanku ansixiyeen, qodobkiisa 5-aad ayaa guddiga doorashada ee madaxbannaan u celinaya mas’uuliyadda ah inay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah oo madaxbannaan, muddo aan ka badnayn laba sano oo ka bilaabata marka uu madaxweynhu saxiixo sharcigan.

Haddaba sidee ayaa bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ay u aragtaa tallaabadan?

Wariyah VOA-da ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa arrintaas weydiiyey Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan bulshada rayadka ah.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:55 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG