Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Baydhaba


Baydhaba
Baydhaba

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay qarax lagu aasay degaanka Wadajir oo ka tirsan magaalada Baydhaba Isniintii.

Laba ka tirsan dadka dhaawacmay ayaa dhaawacoodu culus yahay, sida ay VOA u sheegeen goobjoogayaal.

Waa qaraxii labaad ee muddo saddex maalmood gudahood ah ka dhaca magaalada Baydhaba.

Maalintii Sabtidii ayaa Guddoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow waxa uu ka badbaaday qarax uu gaystay qof isa soo miidaamiyey, waxaana qaraxaas ku dhintay 4 qof, 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa Sabtidii.

XS
SM
MD
LG