Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Sare oo sharci-darro ku tilmaamay muddo kordhinta uu sameeyey Aqalka Hoose


Cabdi Xaashi
Cabdi Xaashi

Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ka horyimid go’aanka Aqalka Hoose uu ugu codeeyey in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay’adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto.

Qoraal kasoo baxay Aqal Sare, oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee uu muddada uu ugu kordhiyey dawladda ay tahay mid aan dastuurka waafqsanayn.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay waddanka u horseedayso xasillooni darro siyaasadeed iyo halis amni.

“Go'aanka halka dhinac ah ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go'aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u baalmaray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday, Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday in cagligu shageeyo laguna soo noqdo xeendaabka sharciga ah ee Dalka u yaalla iyo Heshiiskii September 17, 2020 oo ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si degdeg ahna loo wada fariisto miiska wada-hadalka; si Dalku doorasho u aado.”

XS
SM
MD
LG