Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Shacabka oo u codeeyey muddo kordhin loo sameeyey hay'adaha dowladda


Baarlamanka
Baarlamanka

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyey in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay’adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto.

Qaraarkan ay baarlamaanku ansixiyeen, qodobkiisa 5-aad ayaa guddiga doorashada ee madaxbannaan u celinaya mas’uuliyadda ah inay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan, muddo aan ka badnayn laba sano oo ka bilaabata marka uu madaxweynhu saxiixo sharcigan.

Sidoo kale qodobka 8-aad ee sharcigan ayaa dhigaya in “hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay ay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka muddada ku xusan qodobka 5-aad ee sharcigan."

Qaraarkan waxaa u codeeyey oo oggolaatay 149 xildhibaan, waxaana loo baahnaa 139 cod.

Qaraarkan waxaa kasoo horjeestay musharrixiinta madaxweynenimo ee mucaaradka oo sheegay inay tallaabo muddo korodhsi ay tahay sharci darro, waxayna ka digeen halis.

Dhinaca kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyey sharciga ay ansixiyeen baarlamanka.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.”

XS
SM
MD
LG