Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saadiq John oo xilka laga qaaday kadib markii uu sheegay inuu joojiyey kulanka BF


Saadiq John
Saadiq John

Taliyihii booliska ee Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Saadiq Cumar John ayaa xilkii laga qaaday, isaga oo lagu eedeeyey inuu ku kacay fal ka baxsan anshaxa booliska.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in taliyaha booliiska Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar inuu xilkaasi ka qaaday Saadiq John uuna ku beddelay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole”.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay hadal uu jeediyey Saadiq John oo uu ku sheegay inuu hakiyey fadhigii uu maanta lahaa baarlamaanka Soomaaliya. Saadiq John ayaa sheegay inuu hakinta baarlamaanka u qaaday si looga baaqsado gacan ka hadal iyo xatooyo dhacda, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka hadlayey telefiishanka Universal TV, waxa uu Saadiq John sheegay inuu doonayo in dhinacyada siyaasadda isku haya ay heshiis ka gaaraan doorashada oo laga baaqsado muddo korodhsi.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu la wareego mas’uuliyadda dalka uuna ku cadaadiyo dhinacyada is khilaafsan inay ku laabtaan teendhada oo ay is faham gaaraan, sida uu hadalka u dhigay.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Saadiq John oo xilka laga qaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:55 0:00


XS
SM
MD
LG