Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ganacsade Ismaciil Ibraahim oo $500 oo milyan ku maalgalinaya Somaliland


Ismaacil Axmed
Ismaacil Axmed

Guddoomiyaha Shirkadda Xawaaladda World Remit Ismaaciil Ibrahim Ahmed ayaa sheegay in mashruuc maalgalin ah oo loogu magacdaray Sahamiye oo ku kacaya lacag dhan $500 Million oo dollar, Isla markaana soconaya mudo 10 sano ah uu ka bilaabay Somaliland.

Mashruucan maalgalinta ah, oo todobaadkii hore lagu daahfuray magaalada Hargeisa ayay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo wasiirada qaabilsan goobaha mashruucani maalgalinta ku samaynayo sida Waxbarashada, Caafimaadka, Technology yadda iyo shaqo abuurka, oo dhamaantood sheegay baahida loo qabo in adeegyadaasi kor loo qaado.

Gudoomiyaha Shirkadda World Remit Ismaaciil Ibrahim Ahmed, ayaa VOA da u sheegay in lacagta uu ku bixinayo maalgalintan ay tahay mid uu isagu leeyahay isla markaana fulinta mashaariicda uu isagu gacanta ku haynayo mudada 10 ka sano ah ee soo socota.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa khadka telefoonka ee magaalada London kula xiriirtay waxanay ugu horayn waydiisay inuu faah faahin ka bixiyo Mashruuca horumarinta maalgalinta ee ay daah-fureen.

Mashruuca Maalgalinta World Remit ee Somalialand
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

XS
SM
MD
LG