Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talaal cusub oo COVID-19 ah oo maanta la geeyey Muqdisho


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaal 200 kun oo goojo ah ka heshay dawladda Shiinaha, sida ay faafisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Tallaalkan oo ah nooca loo yaqaan Sinopharm Vaccine ayey dawladda Soomaaliya la wareegtay maanta.

Bishii hore ayey ahayd markii dawladda Soomaaliya ay heshay 300 kun oo goojo oo ah tallaalka Oxford Astrazeneca, taasi oo ilaa haatan lagu tallaalay ilaa 100 kun oo qof, welina tallaalku uu ka socdo gobollo kala duwan oo waddanka ah.

Tallaal kale oo dheeraad ah ayaa dawladda Soomaaliya ka sugayaa isbahaysiga Covax oo horey usiiyey 300 kun oo goojo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG