Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo farriin u dirtay madaxda Soomaalida


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Bayaan ay si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada loogu baaqay inay si deg deg ah ugu soo noqdaan wada-hadallada xal u heilsta is-mari waaga doorashada Soomaaliya.

War-murtiyeedkan ayaa lagu sheegay inaysan taageeri doonin hannaan doorasho oo is bar-bar socda, muddo kororsi iyo qorshe kasta oo dhaawici kara amniga, nabadda iyo xassiloonida Soomaaliya.

"Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii anba qaadaan horumarka laga sameeyay dowlad-dhisidda, siyaasadda loo dhanyahay, doorashooyinka, si nabad ah xukun iskugu wareejinta, gaar ahaanna ay maanta gaarsiiyaan isbadalka muhiimka u ah umadda Soomaaliyeed ee doorasho ku dhacda si nabad, xor, caddaalad iyo kalsooni leh," ayaa lagu yiri qoraalkan oo ay sida wada jirka ah uga soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD.

Waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin is-mariwaaga siyaasadda iyo dib u dhaca doorashooyinka, waxayna ugu yeereen labada dhinaca ee dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada inay heshiis ka gaaraan is-mariwaagan, laguna saleynayo heshiiskii 17-kii September, dib u eegisna lagu sameynayo talo bixintii guddigii farsamada ee ku shiray Baydhabo February 16, 2021.

War-murtiyeedkan ayaa soo baxay kaddib shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Xoghayaha IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, wakiilka Midowga Africa ee arrimaha Siyaasadda, nabadda iyo amniga Bankole Adeoye, agaasimaha midowga Yurub ee Africa Rita Laranjinha iyo Rosemary DiCarlo oo ah kaaliyaha arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG