MELBOURNE —
Diyaargarowga Bisha barakaysan ee Ramadan ayaa laga dareemayaa magaalada Melbourne ee dalka Australia, xilli uu wali jiro xanuunka Covid-19 oo sidoo kale sanadkii horena keenay in gobolka la saaro xayiraad la xiriirta xakamaynta xanuunkan.
Warbixintan waxa inoo haya wariyahayaga Ibraahim Cumar Baafo.