Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha gobolka Bay oo ka badbaaday qarax is-miidaamin ah


Baydhaba
Baydhaba

Guddoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay ilo kala duwan u sheegeen idaacadda VOA.

Nin is miidaamiye ah oo xiran jaakad qarax ku xiran yahay ayaa isku qarxiyey goobta uu ku sugnaa guddoomiyaha, sida ay wararku sheegeen.

Guddoomyaha ayaa ka badbaaday qaraxaasi hase yeeshee laba qof oo rayid ah iyo xubin ka tirsan ilaaladiisa ayaa ku dhintay, sida ay warar amniga ah oo codsaday inaan la magacaabin ay u sheegeen VOA.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka maqaayadda Suways oo ku taal bartamaha Baydhaba ayaa waxaa noo faahfaahinaya wariyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Faahfaahinta qarax ka dhacay Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00


XS
SM
MD
LG