Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka tirsanaa Nabadsugida Jubaland oo qarax lagu dilay


Ciidanka Jubaland
Ciidanka Jubaland

Askari ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida Jubaland ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Askarigan ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Maxamuud, waxaana intii aan qaraxa lala beegsan uu ku jiray howlo la xiriira Sirdoonka iyo Nabadsugida magaalada Kismaayo.

Wariyaha VOA ee magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaad ayaa soo sheegaya in hay'adaha ammaanka ay wadaan baaritaan la xiriira dhacdadan, iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu magaalada Muqdisho u joogo shirka madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee looga arrinsanayo is-mariwaaga hannaanka doorashada dalka, kaas oo ilaa hadda aan wax horumar ah laga gaarin.

XS
SM
MD
LG