Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiyaha Jarmalka oo ka Hadashey Xiisada Ukraine iyo Ruushka


Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisadi ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Xubnaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxa magalaada London inooga soo direy wariyaha VOAda qaarada Yurub Abdixaafid Cawil Ismaaciil

Jarmalka oo ka Hadley Xaalada Xuduuda Ukraine iyo Ruushka
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:34 0:00


XS
SM
MD
LG