Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan kusoo idlaaday shalay, ayada oo dhinacyada ay is-weydaarsadeen eedeymo.
Fashilka shirka ayaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin” in dalka ay doorasho ka dhacdo, hase yeeshee madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan ka war-hayn shir fashilmay balse ay dowladdu “dooneyso inay fashiliso.”
Haddaba guuldarrada ku timid shirkii Afisyoone maxaa lagu macnayn karaa, maxayna xaaladdu ku danbeyn doontaa. Su’aallahaasi ayaa Sahra Ciidle Nur ay wedysiisay Prof. Afyare Cabdi Cilmi, oo barre ka ah Jaamacadda Doha, kuna sugan magaalada Doha, ee dalka Qatar.