Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo dib u billaabay kaalmadii uu siin jiray Falastiiniyiinta


Xoghaye Antony Blinken
Xoghaye Antony Blinken

Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini'aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go'ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin.

Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Hey'adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga.

"Kaalmada Mareykanka ee dadka reer Falastiin waxay ka turjumeysaa danaha iyo qayimka muhiimka ah ee Mareykanka" ayaa lagu yiri bayaan uu ku shaaciyay dib u soo celinta gargaarka Falastiin xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken.

Maamulkii Donald Trump ayaa sanadkii 2018 maamulka Falastiiniyiinta ka jaray 200 oo Milyan oo dolllar oo kaalmo dhaqaale oo Mareykanku siin jiray, kaddib markii ay ka soo horjeesteen go'aankii Mareykanku uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isreal, kaddibna ugu raray safaaradda Mareykanka. Isla sanadkaas wuxuu maamulkii Trump ka noqday 300 oo milyan oo mareykanku siinayay hay'adda UNRWA.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa caawisa ilaa 5.7 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah oo ku kala sugan Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lubnaan iyo Syria, iyadoo u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin waxbarasho iyo daryeel caafimaad, waxaana kala noqoshada maaliyadeed ee Mareykanka ay hay'addan u horseeday dhibaatooyin dhaqaale.

Agaasimaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa soo dhaweeyay go'aanka dowladda Mareykan ee dib u soo celinya kaalmadan, wuxuuna sheegay inay ku faraxsanyihiin, soona dhaweynayaan.

"Ma jirto hay'ad kale oo qaban karta shaqada ay UNRWA hayso, waxaa naga go'an inaan ilaalino bad-qabka, caafimaadka iyo mustaqbalka malaayiin qaxooti ah oo an u adeegno, kaalmada mareykanku waxay timid xilli xaasaasi ah oo aan la daalaa-dhaceyno Covid19, waxaana ku boorinayaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay na caawiyaan" ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray kaddib markii lagu dhawaaqay dib u soo nooleynta kaalmadan.

Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta kaalmada Mareykanka, hase yeeshee dhiggiisa Isreal Gilad Erdan ayaa ka horyimid.

Tan iyo markii la aasaasay sanaddii 1949 illaa iyo go’aankii maamulkii Trump ee 2018, Mareykanku wuxuu ahaa deeq bixiyaha ugu weyn ee UNRWA.

XS
SM
MD
LG