Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneraal Odowaa oo xog ka bixiyey weeraradii Bariire iyo Awdheegle


Jeneraal Odowaa
Jeneraal Odowaa

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii shalay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda ee Awdheegle iyo Bariire.

Weerarradan ayaa la sheegay inay isugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen maleeshiyaadka. Waxaaa sidoo kale qeyb ka ahaa weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo ay Shabaab ku qaadeen Jannaale iyo deegaannada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

Taliye Odowaa ayaa sheegay inay ciidamadu guulo ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Haaruun Macruuf ayaa kula xiriiray Khadka telefoonka, waxaana uu weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

Jeneraal Odowaa oo xog ka bixiyey weeraradii Bariire iyo Awdheegle
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:21 0:00


XS
SM
MD
LG