Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Al-Shabaab oo weerartay saldhigyo ciidamada Soomaaliya


Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay iska caabiyeen weerarro ay saacadihii hore ee saaka ku soo qaadeen maleyshiyada Al-Shabaab saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarradan ayaa la sheegay inay iskugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen maleeshiyaadka. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta dawladda in ciidamada dawladda ay fashiliyeen weerarrada lagu soo qaaday Bariire iyo Awdheegle. Taliyuhu waxa uu sheegay inay khasaare badan u gaysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka lugta Sareeeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi ayaa u sheegay warbaahinta dowladda inay dileen 76 mintidiin ah, 7 kalena ay qabteen.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegatay inay dileen 47 ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugnaa Bariire.

Ilo kala duwan ayaa u sheegay VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal ku qaadeen Jannaale iyo deegaannada Sabiid iyo Caanoole intii ay socdeen weerarrada Bariire iyo Awdheegle.

Dhinaca kalena, baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa bartilmaameedsaday gawaari kolonyo ah oo ku socday Bariire iyo Awdheegle, sida ay ilo kala duwan oo magacooda qariyey ay noo sheegeen. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole.

Badhtamaha Soomaaliyana, iska horimaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab tuulooyinka lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Ilaa haatan tiro koob sax ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladan.

Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu maanta shir hordhac ah uga furmay magaalada Muqdishu.

Shirkan oo fool-ka-fool ah ayay ku sugan yihiin madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dhammaan maamul goboleedyada.

Ila wareedyo ku dhow shirka ayaa sheegay in shirka maanta u badnaan doono ajandaha shirarka soo socda ee looga heshiinayo doorashada.

XS
SM
MD
LG