Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu Golaha Ammaanka ka yiri is-mari waaga doorashada Soomaaliya?


Golaha amaanka ee QM ayaa Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida in ay ku kulmaan fursadda ugu horreysa si looga gudbo is-mari waaga siyaasdeed ee dib u dhigaya qabashada doorashooyinka ee qorshuhu ahaa inay dhacaan 8-dii Febraayo.

Golaha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kadib kulan albaabada u xirnaayeen oo uu warbixin ku siiyey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM James Swan, waxa ay ku sheegeen in doorasho loo dhan yahay ay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, ayuu goluhu yiri, danta ummada Soomaaliyeed.

Culeyska ayaa ku sii kordhayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo markii ay guul-darreysatey doorashadii February kadib markii la isku raaci waayey sid ay doorashadu u dhaceyso. Madaxda laba maamul goboleed ayaa sheegey in haddii aanan heshiis la gaarin aysan ka qeybgeli doonin doorashada.

Qodobada la isku mari la’yahay waxaa ka mid ah sameynta guddiga maamulaya doorashada, soo xulista xubnaha guddiga doorashada ee Somaliland ama gobolada waqooyi iyo xiisadda gobolka la isku hayo ee Gedo.

Dadka dura madaxweyne Farmaajo oo raadinaya in mar kale lasoo doorto ayaa ku eedeynaya inuu dib u dhigayo doorashada si uu usii ballaarsado mudo xileedkiisa dhamaadey, wuxuuna madaxweynuhu dhankisia eedeyn u jeediyey faragelin shisheeye oo aanan la magacaabin.

Golaha Amaanka ayaa ugu yeerey dhinacyada Soomaalida in ay xalliyaan arrimaha taagan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September.

Baaqan ayaa ah kii labaad muddo bil gudaheed ah oo ay golahan oo ah kan ugu awoodda badan QM uu kasoo saaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

March 12-keedii, golaha ayaa usoo jeediyey madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay diyaariyaan doorasho xor ah, xalaal ah lana aamini karo oo loo dhan yahay, iyadoo la raacayo heshiiskii September 17-kedii dibna aanan loo dhigeyn.

Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.

Waxaa kaloo ay sheegtey in goluhu soo dhaweynaayo dadlaalada uu wado Danjire Swan ee dhinacyada la isugu keenayo, si loo sii ambaqaado hanaanka doorashada, sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo aanan gorgortan la gelineyn.

AP

XS
SM
MD
LG