Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland iyo Jubaland oo war-saxaafadeed kasoo saaray shirarkii Muqdisho


Axmed Madoobe iyo Saciid Deni
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa qoraal wadajir ah oo ay saareen ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka “inay xagal-daacinayaan” wada-hadallada la filayo inay Muqdisho ka dhacaan.

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada maamul ayaa nasiib darro ku tilmamaay in muddo dhowr toddobaad ah oo ay joogaan Muqdisho “aysan Masuuliyiinta Dowladdu Federaalku wax is arag toos ah la yeelan si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii lagu balansanaa.”

Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in kulamo ay la yeesheen madaxda saddexda dowlad goboleed ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed aysan suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka.

“Dadaal ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka si ay shir isugu yimaadaan Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaan weli hirgelin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada maamul ayaa sheegay inay ka digayaan in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

“Ugu dambeyntii, waxaan cadeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo hab laysla oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka weli deg deg ugama jawaabin eedeynta ka timid Jubaland iyo Puntland.

XS
SM
MD
LG