Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex qof oo ku geeriyootay qarax Muqdisho ka dhacay


Qarax Muqdisho

Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku geeriyootay afar kalana wey ku dhaawacmeen qarax maanta barqannimadii lala eegtay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo lagu magacaabo Mahad Sharaawe xili uu marayey agagaarka xarunta dagmadaasi, sida ay ilo kala duwan u sheegeen idaacadda VOA.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa dhawaqeeda laga maqlay xaafadaha ku dhaw degmada Dayniile.

Sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen, saddexda qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah oo marayey halka qaraxa uu ka dhacaya, halka afarta dhaawac ahna uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ilaalada mas’uulka la bartilmaameedsaday.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale ilaa iyo minka aan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG