Xildhibaanada baarlamanka ayaa xaley xilli danbe loo direy farriin loogu sheegayo in uu baaqdey kulankii maanta uu baarlamanku ku ballansanaa inuu kaga hadlo arrimaha Coronavirus-ka iyo ansixinta xubno ka maqnaa gudi hoosaadka xuduudaha ee baarlamanka.
Fariintaas ayaa sidoo kale loogu sheegey xildhibaanada in maalinta Arbacada uu dhici doono kulanka maanta la baajiyey.
Arrintan aya la sheegayaa in ay ka danbeysey culeysyo gudaha iyo beesha caalamka ka imaanayey si xaaladda loo dejiyo fursadna loo siiyo kulanka ka socda Xalane.
Baarlamanka ayaa ku guul-darreystay inay kulmaan maalintii Sabtida aheyd kadib markii ay ka horyimaadeen xildhibaano sheegay in kulanka muddo kordhin loogu sameyn rabo madaxweynaha.
Warbixin arrintan ku saabsan waxaa diyaarisay Falastiin Ahmed Iman Falastin.