Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano: "Mursal wuxuu noo sheegay inuu muddo kordhin sameynayo"


Baarlamanka
Baarlamanka

15 xildhibaan oo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu ka joojiyey inay ka qeyb-galaan shanta fadhi ee soo socota ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay isku magacaabeen “Xildhibaanada is-hortaaga ku sameeyay ajandihii mudo kororsiga ahaa ee shalay la rabay Golaha Shacabka in uu meelmariyo.”

Xildhibaanada ayaa sheegay inay kahor kulankii shalay ay la hadleen guddoomiye Mursal, islamarkaana ay sida ay yiraahdeen uu u sheegay “in Heshiiskii 17 September uu fashilmay. Doorasho qof iyo cod ahna la qabanayo.”

Waxay intaas ku dareen in guddoomiyaha uu sidoo kale u sheegay “inuu muddo kordhin u samaynaynayo Madaxweynaha iyo Barlamaanka.”

VOA-da ma xaqiijin karto sheegashada xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ku gacan seeray go’aanka looga joojiyey kulamada baarlamanka.

“Go’aanka Mursal uu ku sheegay in xildhibaanadeena uga joojiyay kulamada Golaha Shacabka. Majirto wax sharci ah oo uu u cuskaday. Mana jiro sharci ama xeer u fasaxaya inuu soo saaro go’aan nuucaas ah. Wuxuuna meel uga dhacay xeerhoosaadka Golaha Shacabka,” ayey yiraahdeen.

“Awoodaha kaliya ee Guddoomiyaha uu leeyahay xiliyada fadhiyada waa midka ku cad Qod. 16aad (4) xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee si cad u qeexaya: Hadii ay jirto fowdo iyo nidaam-darro, Guddoomiyuhu wuxuu xiri karaa fadhiga wuxuuna Ajendaha maalinkaas dib ugu dhiga karaa kulanka xiga.”

VOA ayaa xiriir la sameysay guddoomiye Mursal, si uu uga jawaabo arrintan, balse kama jawaabin codsigeena.

XS
SM
MD
LG