XERAALE —
Illaa 15 qof ayaa maalmihii lasoo dhoofay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ugu dhibnta xanuunka COVID-19, halka dad gaaraya 20 qof oo kalena ay hadda cudurka u jiifaan, sida uu Idaacadda VOA-da u sheegay gudoomiyaha Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan.
Deegankan ayaa ka mid ah meelo badan oo dalka Soomaaliya ah oo bilihii tegay uu cudurka si darran ugu faafay, inkasta oo hadda dalka la keenay tallaalka COVID-19.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab oo Washington jooga ayaa khadka teleefonka kula xiriiray guddoomiye Bashiir, waxuuna ugu horeyn weydiiyay inuu ka warbixiyo sida xilligan ay tahay xaaladda deegaanka.