Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Fadhi ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo baaqday


Kulankii uu maanta u ballansanaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga.

Xildhibaannada ayaa horey loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan cudurka Covid-19, hase yeeshee xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa la sheegay in ay ka shaki qabaan in ajandayaal kale oo siyaasadeed looga hadlo, sida ay weriyayaashu soo tebinayaan.

Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq sida laga arkayay shaashadaha telefishannada.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan ka soo diray Muqdisho.

Warbixin: Buuq ka dhashay kulan uu lahaa baarlamaanka Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdishu ka socda kulamo ay leeyihiin madaxda maamul goboleedyada oo ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed iyadoo weli uu jiro is mari-waa ku saabsan wadahadallada dooarshada.

Beesha caalamka ayaa ku celcelisay in aysan aqbali doonin muddo korodhsi, doorashao hal dhinac ah iyo doorashooyin is barbar socda intaba.

XS
SM
MD
LG