MUQDISHO —
Waxaa baaqday kulan lagu waday inay wakiilada beesha caalamka maanta la yeeshaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, xilli aan wali heshiis laga gaadhin hanaanka doorashada.
Kulanka ayaa la qorsheeyey kadib shirkii Afisyoone ee lagu waday inuu dhex-maro madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uu qabsoomi waayey kadib markii ay qaadaceen Puntland iyo Jubaland.
Warbixintan uu ku eegayo xaaladda siyaasadda iyo kulamada la filayo inay qabsoomaan waxxa Muqdisho nooga soo diray Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.