KISMAAYO —
Saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa shalay duleedka magaalada Beled Xaawo kula kulmay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo soo ahaa Wasiirka Amniga ee Jubaland.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ilo kala duwan ay u sheegeen VOA inuu Cabdirashiid Janan wadahadallo kula jiray dawladda Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu xulkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan.
Wariyaha VOA ee Kismaayo Aaden Maxamed Salaad, ayaa la xiriiray Janan, waxaana uu wasiirkii hore ee amniga Jubaland ka warramay heshiiska uu la galay dowladda federaalka.