Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo Janan kula kulmay Beled-Xaawo


Janan
Janan

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan dawladda ay duleedka magaalada Beled Xaawo kula kulmeen Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo soo ahaa Wasiirka Amniga ee Jubaland.

Telefiishanka dawladda Soomaaliya ayaa qoray in Cabdirashiid Janan la kulmeen Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Caddaala.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ilo kala duwan ay u sheegeen VOA inuu Cabdirashiid Janan wadahadallo kula jiray dawladda Soomaaliya.

Goor hore oo maanta ahna, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu xulkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa dawladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu bishii Augus sannadkii 2019-ka iyada oo ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” oo ay ku jiro kuwo la xiriira xuquuqda aadanaha. Eedahaas wuu beeniyey Cabdirashiid Janan, waxaanu xariggiisa ku tilmaamay inuu la xiriiray siyaasad.

Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday goobtii lagu hayey, waxaana uu dhuumasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Bishii Maarso ee sannadkii hore ilaa bishii Janaayo ee sannadan laba iska horimaad ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray cidamada Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubaland iyo kuwa dawladda federaalka.

Cabdirashiid Janan ayaan weli rasmi ahaan ugama hadlin xil ka qaadistiisa.

XS
SM
MD
LG