Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Cabdirashiid Janan


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu xulkii ka qaaday Wasiirkii Amniga ee maamulkiisa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Cabdirashiid Janan.

Warqadda xilka looga qaaday oo ay heshay VOA laguma sheegin sababta. Hase yeeshee ilo kala duwan oo gobolka ah oo codsaday inaa magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay arrintan ka hadlaan ayaa u sheegay VOA in Cabdirashiid Janan uu wada-hadalo kula jiray dawladda federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa dawladda Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdishu bishii Augus sannadkii 2019-ka iyada oo ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus” oo ay ku jiro kuwo la xiriira xuquuqda aadanaha. Eedahaas wuu beeniyey Cabdirashiid Janan, waxaanu xariggiisa ku tilmaamay inuu la xiriiray siyaasad.

Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday goobtii lagu hayey, waxaana uu dhuumasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Bishii Maarso ee sannadkii hore ilaa bishii Janaayo ee sannadan laba iska horimaad ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray cidamada Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubaland iyo kuwa dawladda federaalka.

Cabdirashiid Janan ayaan weli rasmi ahaan ugama hadlin xil ka qaadistiisa.

XS
SM
MD
LG