Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Dumarka oo lagu dhiirigelinayo adeegsiga teknolojiyadda


Isticmaalka iyo ka faa’iidaysiga Teknoolojiyadda casriga ah ayaa sanadahan dambe faa’iido wayn ku soo kordhiyay isku xirka dunida, gaar ahaan hawlaha ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo xiriirka bulshada.

Soomaalida oo waayahan dambe si aad ah u isticmaasha Internet-ka ayaa la sheegay in aanay badanaa ka faa’iidaysan adeegyada kale ee horumarka Teknolojiyaddu sahlay balse wakhti badani kaga baxo qaybta Internet-ka ee xidhiidhka bulshada.

Magaalada Hargeysa ayaa dhawaan lagu qabtay kulamo lagu dhiirigalinayo haweenku sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen adeegsiga isgaarsiinta casriga ah, si ay horumar uga gaaraan shaqooyinkooda, iyo ganacsigooda oo ay suuqyo hor leh ugu helaan iyo waxbarashada sare oo ay hanaan maqal iyo muuqaal ah ku baran karaan.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa warbixintan ku eegaysa arrimahaasi.

Haweenka oo Adeegsiga Technolojiyada Casriga ah Lagu Dhiirigalinaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00


XS
SM
MD
LG