Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka Xalane


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Waxaa la filayaa in maanta uu kulan uga furmo madaxda Soomaalida gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, si heshiis looga gaaro muranka doorashooyinka.

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa hadda ku wada sugan magaalada Muqdisho, ayada oo shalay uu soo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ugu dambeeyey.

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saartay shalay ku tiri “Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16kii Febraayo 2021 si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember 2020 loona gudbo doorashooyinka iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.”

Haddaba kulanka saaka iyo waxa laga filan karo waxaa warbixintan ku eegeysa Falastiin Axmed Iiman.

Shirka Xalane iyo Saaka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00


XS
SM
MD
LG