Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo kordhisay muddada xayiraadaha la xiriira COVID-19


Osman Dubbe
Osman Dubbe

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraadihii bishan horraanteedii loo soo rogay xakameynta cudurka COVID-19 awgeed ay sii soconayaan laba toddobaad oo hor leh.

Wasiirka Warfafaanta Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa sheegay in halista cudurka COVID-19 ay weli jirto, waxaana uu ku baaqay in dadku ay qaataan af-xir, islamarkaana ay kala fogaadaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in loo hoggaansamo talooyinka bahda caafimaadka.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ay ku wada hadlayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobollada. Waxa uu tilmaamay in shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah lagu qaban doono xarunta Afisyoone.

Wasiirka ayaa sheegay in shrikaasi uu noqonayo mid lagu dhammaystiro heshiiskii 17-kii September, iyadoo la adeeganayo talooyinkii ka soo baxay Baydhaba 16-kii Febraayo.

Waxaa uu sidoo kale wasiirku ka hadlay Isbahaysiga Golaha Badbaado Qaran oo tododbaakdii hore ay samaysteen maamullada Puntland, Jubbaland, Golaha Midowga Musharrixiinta iyo hoggaanka Aqalka Sare, isagoo ku tilmaamamay tallaabadaasi mid lagula dagaalamayo in ay doorasho dhacdo.

XS
SM
MD
LG