Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Baaqii Mareykanka ee Doorashada Soomaaliya


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Somalia in ay dhinac iska dhigaan ujeedooyinkooda siyaasadeed isla marka ay qabtaan doorasho hufan oo xalaal ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ugu baaqay madaxda fedraalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada federaalka ah "in ay dhinac iska dhigan ahdaaftooda siyaasadeed ee kooban" islamarkaana ay guttaan waajibka ka saaran shacabka Soomaaliyeed, si degdeg ahna uga heshiyaaan qabashada doorasho hufan oo loo wada dhan yahay.

Hadaba micnaha qoraalkaas iyo farriinta uu xanbaarsanaa ayaa Falastiin Axmed Iiman waxa ay ka wareysatay Mursal Saney oo ka tirsan masuuliyiinta Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.

Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka iyo Doorashooyinka Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00


XS
SM
MD
LG