Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo billowday bixinta tallaalka COVID-19


Farmaajo oo tallaalka qaadanaya
Farmaajo oo tallaalka qaadanaya

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilowday bixinta tallaaka cudurka COVID-19.

Tallaalka ayaa laga bixiyey cisbitaalka Martiini ee lagu dabiibo dadka qaba xanuunka COVID-19. Sidoo kale waxaa tallaalka qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur.

Bilowga tallaalka ayaa ka dambaysay markii shalay ay Muqdishu soo gaartay qaybtii ugu horraysay ee tallalka Soomaaliya ay ka hesahy mashruuca COVAX oo ay samaysay hay’adda caafimaadka Adduunka WHO, si, si siman tallaalka loo gaarsiiyo dunida.

Shalay waxaa Muqdishu soo gaaray 300 kun oo tallaal, hase yeeshee waxay Soomaaliya sheegtay inay qayb ka tahay 1 milyan iyo 200 kun oo tallaal oo Soomaaliya filanayso.

Tallaalka ayaa loo kala diray gobollada dalka. Tallaalka ayaa imanaya xilli Soomaaliya uu kusii faafayo wejiga labaad ee cudurka COVID-19.

Tallaalku waxa uu sidoo kale shalay ka bilowday dalka Jabuuti, waxaana tallaalkii ugu horreeyey qaatay madaxweynaha Jabuuti iyo marwada koowaad Khadra Maxamuud Xayd. Jabuuti waxay sheegtaybin tallaalkaasi uu socon doono ugu yaraan toddobaad. Mas'uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in 70% ay ku talo jiraan in la tallaalo dadweynaha Jabuuti.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.

Dowladda Soomaaliya oo billowday bixinta tallaalka COVID-19
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00


XS
SM
MD
LG